Ciidanka Xoogga oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer

Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii lagu jebiyay Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlagallo Qorsheysan ka fuliyay deegaannada hoostaga degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo wali lagu sii baacsanaayo haraadiga khawaariijtii lagu jebiyay degmadaas.

Howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka Howdka ah ayaa lagu qabtay sedax dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijtii casharka loogu dhigay degmada Ceeldheer, kuwaas oo iyagoo firxad ah u tegay dadka shacabka ah ee ku sugan dhulka miyiga ah.

Taliyaha qeybta koowaad ee Kumaandooska Gorgor Gaashaanle dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareerre) oo hoggaaminayay howlgalka Ciidanku ka sameeyeen dhulka howdka ah ee u dhaxeeya deegaanka Cali Yabaal iyo degmada Ceeldheer, laguna baadi goobayo haraadiga Khawaarijta, ayaa sheegay inay sii wedi doonaan howlgallada ka dhanka ah nabadiidka si shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado dhagartooda.