Ciidanka xoogga oo dilay shan ka mid ah horjoogayaasha Al-shabaab

Ururka 4-aad guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab XDS ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Gamboole ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu dilay 5 horjooge iyo xubno badan oo ka tirsanaa malleeshiyada Al-Shabaab, sida uu xaqiijiyey Taliyaha guutada 16-aad Kumandooska Danab Gashaanle dhexe, Axmed Cabdilaahi Nuur Beeryare.

Taliyaha ayaa intaa ku daran in uu howlaglkani yahay mid lagu ciribtirayo haraadiga malleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab.