Ciidanka xoogga oo dilay 21 khawaarij ah

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyay deegaanka Baladul-Amiin ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Howlgalkan ayaa lagu khaarajiyay 21 ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo uu ku jiro horjoogihii khawaarijta ee deegaanka Baladul-Amiin, iyadoo uu howgalku uu ku soo dhamaaday sidi loo qorsheeyey.