Ciidanka xoogga oo dilay 200 oo ka tirsanaa Argagixisadda Al-shabaab

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya Kuwa deegaanka ee Macawisley ayaa dilay In ka badan 200 oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Argagixisadda ah ee Al-shabaab oo saakay si dhuumaysi ah rabay in ay u soo weeraraan Tuulada Jicibow oo qiyaastii magalada Buula-burde u jirta 25KM.

Kooxdan ayaa damacoodu ahaa in ay kala gooyaan labadda Magaalo ee Beledweyne iyo Buula-burde.

Maamulka Deegaanka Ayaa Ka War Helay in Argagixiso Fara badan Oo Dooma Wataa Soo Dhigteen Deegaankaasi waxaana
Durbaba halkaas u Ruqaansaday Ciidamada Xoogga oo kaashanaya Macaawisleyda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale gurmad xoojin ah u diray halkaas kuwaasi oo kooxda ku hareereeyay deegaanka jicibow oo hoos taga Degmada Buul-burde ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkii Saaka Bilaabmay ayaa maqribkii caawa la soo afjaray iyadoo guud ahaan ba cagta la mariyey kooxihii Argagixisadda ahaa ee halkaas soo galay.

Shacabka Magaladda Buula-burde Ayaa Ciidanka la daba joogau saadka taakulaynta oo isugu jiray Hilib,Caano iyo Biyo si ay u dhiirigeliyaan Ciidanka Xoogga iyo kuwa Deegaanka Macawisley oo mudooyinkii u dambeeyey xoojiyey halganka lagaga xoraynayo dalka kooxaha Argagixisadda ah.