Ciidanka xoogga oo cagta mariyay maxkamad beenaadyadii ay argagixisadu ku lahaayeen gobolka Baay

Baydhabo- Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo qorsheeysan ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Baay ayaa bur-buriyay Maxkamad beenaadyo nabad-diidku ay Shacabka ku dhibaateyn jireen iyo xarumo kale.

Howgalka ayay Ciidanka xoogga gaar ahaan Ururka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60-aad ka sameeyeen degaanka War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-caddeey iyo Moodo Moodo.

Taliyaha Ururka 46-aad Xiddigle, Muxudiin Maxamed Xaaji ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanku ay gebi ahaan cagta mariyeen xarumihii Argagixisadu ay dadka ku dhibaatayn jireen.