Ciidanka Xoogga oo Bakool ka fuliyay howlgal lagu Jabiyay kooxo khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 95aad Guutada 9-aad qeybta 60-aad ayaa khawaarijta ku jabiyay howlgal ay ka fuliyeen tuulada Dhurey oo  ka tirsan Degmada Waajid ee Gobolka Bakool.

Howlgalkaan, ayaa yimid kadib markii ciidanka ay heleen xog muujineysa in Khawaarijtu isku urursanaayeen tuuladaasi, halkaasi oo ay kasoo abaabulayeen dhagaro lagu waxyeeleynayo shacabka iyo amniga guud.

Geesiyaasha Ururka 95-aad ayaa weerar dhowr jiho ah kaga hortagay damicii argagixisada,waxaana kooxdaasi ay  ka carareen Tuulada dhurey kadib markii  looga adkaaday halkaasi,sida uu ku waramay Taliyaha Ururka 95-aad guutada 9-aad L/X/Le Isaaq Mohamed Ibraahim oo hogaaminayey howlgalkaasi.

Awoodda ciidanka XDS iyo weerarka qorsheysan ee lagu qaaday ayaa fashiliyey damacii Khawaarijta, waxaana la gaarsiiyay khasaare culus.

uulada dhurey waxey 20 km u jirtaa Degmada Waajid waxaana marta wadada dheer ee isku xirta Baydhabo iyo Waajid.