Ciidanka Xoogga iyo kuwa madaniga ee Sh/Dhexe oo wada howlgallo ka dhan ah khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay wadaan howlgallo saf ballaaran ah oo lagu baacsanaayo kooxaha argagaxisada ee ku dhuumaaleysanaya deegano ka tirsan gobolkaas.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Sahal Cabdullaahi Cumar oo ku sugan jiidda hore ee furimaha dagaalka ayaa sheegay in ay wadaan dardar galinta howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Taliyaha  ayaa ku ammaanay geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo xaq u dirirka deegaanka guulaha ay maalmihii lasoo dhaafay  ka gaareen cadowga.

Kooxaha khawaarijta ayaa xilligaan wajahaya ruux baxii ugu dambeeyay ka dib markii laga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad farabadan oo caadeystay ama baneystay daadinta dhiigga Shacabka Soomaaliyeed.