Ciidanka Xoogga iyo kuwa Jubaland oo hawl-gallo lagu baacsanayo alshabaab ka sameeyay deegaano dhowr ah

Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Kooxda argagixisada ah ee Al Shabaab ka sameeyey deegaano dhowr ah oo dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Deegaanada ay ciidamada howl-galka ka fuliyeen waxaa ka mid ah Golashimbi, Beerxaani, Labikuus, Cabdi Dhoore iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday waxay khasaaro xooggan u geysteen kooxda nabad diidka ah ee Al Shabaab.

Dhame Cabdi Cali Yuusuf oo ka mid ahaa saraakiishii howlgalka hogaaminaysay ayaa Jubbaland TV u sheegay in howlgalka khasaare baaxad leh lagu gaarsiiyey nabad diidka.

Dhanka kale waxay ciidamadu mid mid u baareen goobihii nabad diidka ay ka firxadeen oo gabaadka u ahaa.