Ciidanka Xoogga iyo kuwa ATMIS oo Al-shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-baraf

Ciidanka xoogga iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS,ayaa diib ugu laabtay fariisimo ku yaalla deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeelada Dhexe ,halkaas oo todobaadyo ka hor ay ka dhaceen dagaallo lala galay kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya xilligaan deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegaya in ciidamada dowlafda iyo kuwa howlgalka ATMIS ay fariisimo ka dhigteen xaruntoodii hore ee deegaankaasi, Kadib markii ay halkaasi ka carareen kooxda Al-Shabaab.

wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada xoogga oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ,isla markaana ka tagay degaanka Miirtuugo ay soo gaareen degaanka Ceelbaraf .

Howlgalkii saaka ayaa lagu waramay in ay ka qeybqaateen diyaaradaha dagaalka ee quumaatiga u kaca,mana jiraan wax iska cabin ah oo ciidamada labada dhinac ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab.