Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka oo la wareegay goobo ay argagixisada ku dhuumaaleysanayeen

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Sina-dhaqo oo Dhuusamareeb dhanka koonfureed kaga beegan 35 KM.

Xubno ka tirsanaa argagixisada ayaa lagu dilay howlgalkii saakay ay  ciidanku ka fuliyeen degaanka Sina-dhaqo .

Ciidanka ayaa sidoo kale gaaray deegaanka Labadulle oo qiyaastii 15 u jira Sinidhaqo, waxayna ku sii raad joogaan firxadka argagixisada.