Muqdisho(Wargeyska Dalka);-Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab oo howlgallo culus ka wada Deegaanka Harboole ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa gacanta ku dhigay Dhagarqabe Aadan Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Khawaarijta, Ninka la qabtay ayaa watay qori AK-47 ah iyo Booshkiisa.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa noo sheegay in Dhagarqabaha la qabtay uu jahawareeray, kadib markii ay aaggaas ka fuliyeen howlgallo culus oo Cir iyo Dhul ah, kuwaas oo sababay in Maleeshiyaadkii aaggaas ku jiray ay kala firxadaan.



