Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay

Baydhabo(Wargeyska Dalka):-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay, kaas oo lagu beegsaday Goobo ay Khawaarijtu u adeegsan jireen gabaad iyo isku-abaabul. Intii uu howlgalka socday, waxaa Ciidamada isku soo dhiibay Xubin ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalka ayaa waxaa fuliyay Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, waxaana uu ka dhacay deegaanka Yaaq-Doomaar. Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa sidoo kale burburiyay Goobihii bartilmaameedka ahaa.

Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd wiiqidda dhaq-dhaqaaqyada Khawaarijta iyo xoojinta Amniga Deegaannada Gobolka Baay.

 

FB_IMG_1787465750675.jpgFB_IMG_1787465754528.jpgFB_IMG_1787465792027.jpg