Ciidanka xoogga dalka oo malleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab ku laayay duleedka Xuddur

Ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka Al-Shabaab ayaa lagu dilay tira intaa ka badanna dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib weerar gaadmo ahaa oo ay argagixisadu xalay kusoo qaadday difaaca ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin afaafka hore ee degmada Xuddur.

Taliyaha Ururka 175-aad, guutada 9-aad ee xoogga dalka, Maxamed Sankuus iyo Taliyaha sahanka guutada, Aadan Gaabow ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay cashar lama illaawaan ah u dhigeen kooxdii weerarka kusoo qaadday, isla markaana ay fashiliyeen dhagartii ay soo maleegeen.

Saraakiisha guutada 9-aad ee xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay inay ku raad joogaan firxadka dhagarqabayaashii soo hajuumay difaaca ciidanka xoogga ee degmada Xuddur, waxayna intaa raaciyeen in aysan dhankooda soo gaarin wax qasaara ah.

Dhinaca kale, taliyeyaasha guutada 9-aad ee xoogga dalka ayaa sheegay in aysan jirin qasaara shacab oo ka dhashay dagaalka marka laga reebo haweeneey dhaawac fudud uu kasoo gaaray rasaastii la is weydaarsanayay, iyadoo xaaladdeeda caafimaadna haatan lagu baxnaaninayo Isbitaalka guud ee magaalada Xuddur.