Shabeellaha Hoose:- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, kadib markii ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka ka fuliyeen deegaannada Sabiid iyo Caanoole ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana lagu qasbay inay iskaga cararaan goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen. Taliyaha Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/sare Axmed Gaashaan ayaa sheegay in guushaan ay tahay mid muhiim ah oo ka tarjumeysa dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa baaritnaano ka wada deegaannada Khawaarijta laga xoreeyay si dhagarta cadowga looga badbaadiyo shacabka, loogana hortago wax kasta oo dhibaato ku ah xasilloonida iyo nolosha bulshada.