Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyaah ee Soomaaliya gaar ahaan Ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ayaa howlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab waxaa saacadihii la soo dhaafay ay ciidamadu ka sameeyeen degaano katirsan Gobolka Baay oo ay maamuli jireen argagixisada.
Taliyaha ururka 46-aad, Guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka xidigle Cadow Maxamed Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay howlgalkaas cagta kumariyeen saldhigyo ay maleeshiyadka Shabaab ku lahaayeen deegaanada Buulo-fulaay, iidaale, Raama-cadoy iyo Moodo-moodo,waxa una taliyha sheegay in ciidamadu ay sii wadi doonaan howlgalada lagu ciribtirayo Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab