Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay deegaanno ka tirsan Shabeellada dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta ka saaray Khawaarijta degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Macallin, oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgal barakaysan oo loogu magacaabo “Duufaanta Aamusan” ay ciidamada iskaashanaya halkaasi ka fuliyeen, iyagoo cagta mariyay goobo ay ku dhuumaalaysanayeen haraadiga khawaarijta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamadu ay haatan ku howlan yihiin miino baarin, isagoo intaa ku daray in ay ciidanku sii baacsanayaan firxadka khawaarijta.

Sheekh Abuukar Macallin, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegay in ciidanku aysan soo gaarin wax qasaara ah,haatanna ay ku jiraan hubinta qasaaraha soo gaaray cadowga.