Nairobi:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa markii labaad qeyb wayn ka qaatay carbiska militari ee JUSTIFIED ACCORD oo sanadkan lagu qabtay dalka Kenya, iyadoo Munaasabadda xiritaankiisa uu ka qeybgalay taliyaha ciidanka gaarka ah ee XDS, G/le Dhexe Xasan Salaax Cabdi.
JUSTIFIED ACCORD waa carbis heer caalami ah oo ay ka qayb galaan dalal kala duwan, si sare loogu qaado xirfadaha iyo awoodda iskaashi ee ciidamada kala duwan ee ka qeybgalaya. Intii uu socday carbiska, ciidanka XDS ayaa soo bandhigay dhoolatus cajiib ah, muujinayana xirfad sare, heegan iyo karti ciidan oo heer sare ah.
Ka qaybgalka ciidanka XDS ee dhoolatuska ayaa muujinaya horumarka ay ka sameynayaan dhanka tababarka iyo iskaashiga caalamiga ah, taas oo xoojinaysa awoodda difaaca iyo howlgalka ciidamadda qaranka Soomaaliyeed.