Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada dhexe iyo Galgaduud

Ciidanka XDS ayaa howlgal guuleystay la beegsaday saakay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayd deegaanno hoostaga degmooyinka Ruun-nirgood iyo Ceeldheer ee Gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka oo dhowr jeer lagu garaacay fadhiyadii Khawaarijta ayaa lagu dilay dhagarqabayaal badan, gaadiid iyo goobo ay ku dhuumanayeenna waa la burburiyay.