Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka sameeyay Shabeellada hoose

Marka-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururrada 144-aad iyo 145-aad ee Guutada 14-ka October ayaa howlgal qorsheysan maanta ka fuliyay tuulooyin hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose oo ay gabbaad ka dhiganayeen Malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta.

Taliyaha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed G/le dhexe, Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa xaqiijiyay in ay Geesiyaasha Qarankeenna si gaar ah u beegsadeen doomo ay Khawaarijta isaga kala gudbi jireen labada dhinac ee Wabiga, iyagoo sidoo kale burburiyay goobo ay baad uga qaadan jirtay Shacabka Beeraleyda ah.

Howlgalka ayay ciidanku si gaar ah uga fuliyeen Tuulooyinka kala ah Malable, Beeraha baay, Siigaale bari iyo Doonkaa-daafeedow, kuwaas oo dhamaantood hoos taga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose.