Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

Muqdisho(Wargeyska Dalka):-Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanayey kuwa Sirdoonka Qaranka iyo Dadka Deegaanka ayaa howlgal qorsheeysan oo lagu naafeynayey khawaariijta ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan uu hogaaminaayey Taliyaha Qaybta Koowaad  ee kumaandoosta Gorgor G/le Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), waxaa laga sameeyey Deegaanada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul,Qodqodka iyo Dooxa, iyadoo Deegaanada ay Howlgaladu ka dhacayn ay si buuxda ula wareegeen Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor.

Inta ay socdeen howlgalada Ciidamada ayaa wadooyinka ka soo saaray Miinooyin khawaarijtu ay la damacsaneed ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.sidoo kale Ciidamada ayaa burburiyey fariisimo ay Dadka ku baadi jireen khawaarijta.