Ciidanka geesiyaasha xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa difaaca degaanka ayaa howlgal qorsheysan oo guul leh ka fuliyay deegaanka Ceelka-Nuurgadoow oo hoostaga degmada Al-Koowsar ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Howlgalkan ayaa lagu beegsaday malleeshiyaad ka tirsan argagixisada khawaarijta oo u yimi deegaankaasi si ay biyo uga helaan ceelka.
Malleeshiyaadka khawaarijta oo xaalad harraad daran haystay ayaa la kulmay jawaab adag oo ka timid ciidanka xoogga dalka iyo kuwa degaanka, iyagoo cashar aan la ilaawaan ah u dhigay argagixidasa.
Khawaarijta ayaa waxaa halkaasi loogu dilay tiro malleeshiyaad katirsan khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay meelo gabaad u ahaa cadowga oo lagu garaacay madaafiic xooggan.
Ciidanka xoogga dalka ayaa mar walba u taagan difaaca shacabka Soomaaliyeed iyo xoreynta dhulalka wali ay dhibaatada ka wadaan kooxaha Khawaarijta.