Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya Ciidamada Hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa saaka hawlgal qorshaysan ku dilay 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Khawaariijta.

Hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka Danow oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose sida uu wakaaladda wararka SONNA u xaqiijiyey Taliyaha Ciidanka Xoogga Odowaa Yuusuf Raage.

Hawlgalkan ayaa yimid ka dib markii kooxda khawaariijtu isku dayeen in ay ciidanka ku qaadaan weerar gaadmo balse ciidanka oo ka warqabay dhagarta khawaariijta ayaa khawaariijta gaarsiiyey khaasaare culus,dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga ayaa xaqiijiyey in khawaariijta laga furtay Saanad Ciidan.

Dhanka kale qarax ka dhacay Degmadda Halgan oo ka tirsan gobolka Hiiraan ayuu Taliyaha Xooggu u xaqiijiyey Wakaladda wararka SONNA in uu sababay khasaaraha dhimashada hal qof oo ku geerirooday iyo Saddex dhaawac ah.