Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa maanta weerar ku qaaday xero ay deganaayeen Khawaarijta oo ku taalla duleedka deegaanka Kurtun ee gobolka Baay.
Weerarkaasi waxay ciidamadu ku gaarsiiyeen cadowga dharbaaxo culus, iyagoo sidoo kale ka soo furtay hub iyo saanad ciidan.