Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay saakay hawlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geel-gub ee gobolka Shabeellada dhexe malleeshiyaadka Khawaarijta.
Ciidamada ayaa weerar dhowr jiho ah ku qaaday malleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta oo si dhuumaaleysi ah kusoo galay deegaanka Geel-gub si ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah, iyadoo khasaare ba’an lagu gaarsiiyay kooxda.
Waxaa maalintii shanaad oo xiriir ah ay geesiyada Qaranka iyo halgamayaasha deegaanku weerarro ku ekeeyeen Khawaarijtii isku soo maqiiqday Hirshabeelle, iyadoo saakayna lagu laayay lagana saaray deegaanka Geel-gub.