Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaannada u dhexeeya magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunay ee gobolka Baay.
Howlgalka oo si gaar ah uga dhacay deegaanka Hinshiloole ayaa lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, kuwaas oo la sheegay inay halkaasi ku urursanaayeen.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa weerar ku qaaday goobtii ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen. Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyey in la dilay laba ka mid ah maleeshiyaadka, halka mid kale nolol lagu qabtay.
Howlgalka ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor, gaar ahaan Ururrada 171-aad iyo 175-aad ee Guutada 17-aad, Qaybta 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo howlgallo qorsheysan ka wada deegaannada gobolka Baay.

