Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal ay ka Sameeyeen Gobolka Gedo ku dilay Dhagarqabayaal ka tirsan khawaarijtaa

Gedo(Wargeyska Dalka) :- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo qiyaastii 30 kiiloomitir dhanka bari kaga beegan Degmada Bardheere ee Gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan isla markaana si guul leh loo fuliyay, ayaa Ciidamada Xoogga Dalka ku dileen shan (5) Dhagarqabe, kuwaas oo dhibaato joogto ah ku hayay Dadka Rayidka ah ee ku nool Deegaankaasi.

Intii uu socday Howlgalka, ciidamada ayaa gebi ahaanba burburiyay Fariisimo iyo Fadhiyo ay halkaasi ku lahaayeen kooxaha arxan-laawayaasha ah, kuwaas oo ay ku abaabuli jireen falal Amni-darro.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah difaaca Shacabka Soomaaliyeed iyo ciribtirka kooxaha Nabad-diidka ah, iyagoo ugu baaqay Shacabka inay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.