Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyay degaanno ka tirsan Shabeellada

Ururka 4-aad, Guutada 16-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyay degaanka Warta madax maroodi  oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Ciidanka ayaa markii ay halkaasi gaareen waxa ay  sameeyeen hawlgalo  Baritaanno ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka wartan Madaxmaroodi oo ay Argagixisadu ku dhibatayn jireen shacabka halkaas xoolaha ka waraabsada.

Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa shacabka Soomaaliyeed u gaysata gabbood fallo ay ka mid yihiin dilka, dhaca, boobka xoolaha, askaraynta qasabka ah ee carruurta IWM.