Ciidanka xoogga dalka oo howl-gallo ka fuliyay gobolka Bakool

Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad ee qeybta 60-aad ayaa howlgal ay ka sameeyeen degaanno hoos taga magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool iyagoo gacanta ku dhigay deegaanno ay Khawaarijtu shacabka ku dhibaateyn jrtay sanado badan.

Degaannada ay Ciidamada ka fuliyeen howl gallada ayaa waxaa ka mid ah Abagbeeday, dudumaale, buulo-kojoor, Ceelgaras iyo meelo kale.

Abbaanduulaha guutada 9-aad Qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka ayaa hoggaaminayay howl galka ciidanku fuliyeen, waxaana tuulooyinkaas ka socda baaritaan amni xaqiijin ah.