Ciidanka xoogga dalka oo gubay gaadiid dagaal oo ay lahaayeen Al-shabaab

Buulo-burte- Ciidanka xoogga ayaa gubay  gaari Cabdile ah (land cruiser pickup) oo ay malleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab kaga carareen degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayay sidoo kale Ciidanka kumaandooska Danab ku dileen 11 dhagar-qabe oo katirsan kooxda argagixisada ee uu gabbalkoodu dhacay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa Gobollada ka wada howlgallo lagu ciribtirayo malleeshiyaadka nabad-diidka Al-shabaab.