Ciidanka xoogga dalka oo dilay horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose waxay ku dileen , Xasan Suleymaan Cali  oo katirsanaa horjoogayaasha argagixisada Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ururka 4-aad, guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed DANAB ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inuu howlgalkaasi ahaa mid qorsheysan haatanna ay ku raadjoogaan xubno kale.

Xasan suleymaan ayaa ahaa horjoogihii kooxda nabad-diidka  Argagixisada Al-Shabaab uqaabbilsanaa Sahanka iyo sirdoonka degmada Wanlaweyn iyo degaannada hoostaga.