Ciidanka xoogga dalka oo dilay 30-ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab

-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiramaan Yuusuf Cadasla ayaa sheegay in Al-shabaab Afar weerar oo ay soo qaadeen degaanka “Dhisaqa: oo shalay laga xoreeyay  si ay uga soo kabtaan jabkii argagixisada kasoo gaaray hawlgalkii Gobalka Galguduud, waxayna  kala noqdeen dhimasho in ka badan 30 iyo dhaawac 55 maleeshiyaadkooda ka tirsan.

Wasiir ku xigeenku waxaan uu  ilaah uga baryay inta ka dhimatay Ciidanka  u aqbalo Shuhadada  ah dhaawacana alle bogsiiyo.

“Waxaan markale ammaan aad u wayn ujeedinayaa Mujaahidiinta huwanta ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha Deegaanka, waxay si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan dhulkii laga xoreeyay khawaarijta waxayna u diyaarsan yihiin waajib gudashada xigta Insha allaah” sidaa waxa bartiisa Fecbooka ku soo qoray Wasiir Al-cadaala