Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta deegaano u dhow Janaale waxay ka saareen argagixisada Al-Shabaab, iyagoo soo bandhigay raadad muujinaya goobihii laga saaray Nabadiidka, deegaanada kala ah Buulo Arundi, Malable, Siigaale, Busley, Daa’uud iyo Beeraha-Baay ayey ciidanku ka sameeyeen howlgalladaas.
Ciidanka Qaranku waxay burburiyeen xarumo ay ku jirtay maxkamad beenaadkii Nabadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo gurmad u fidiyey dad tabaaleysan oo dalagii uga baxaayey beerahooda ay argagixisadu ka baaday, qaarna ka gubtay.
Howlgalkaas waxaa hoggaaminayey Abaanduulaha ururka 84-aad ee guutada 14-ka October Cali Mahdi Beerdiide, sidoo kale gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Janaale ayaa qeyb ka ahaa hoggaaminta howlgalladaan balaaran