Ciidanka xoogga dalka oo 50 khawaarij ah ku dilay gobolka Mudug

Ciidanka XDS ayaa in ka badan konton khawaarij ah ku dilay howlgal maanta ka dhacay deegaanka Miiroon oo hoos taga degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Weerarkan oo ay si wada jir ah u fuliyeen cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka iyo  saaxiibada caalamiga ah ayaa ahaa mid,iyadoo halkaasi jab xooggan lagu gaarsiiyay khawaarijtii halkaasi ku sugnayd.

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General, Maxamed Tahliil Biixi ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in howgalkaas lagu naafeeyay cadowga , haatanna lagu raad joogo firxadka khawaarijta.