Ciidanka xoogga dalka iyo shacabka ku sugan shabeellada dhexe oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah Al-shabaab

Magaala xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa ka socda abaabulkii iyo diyaar-garowgowgii ugu dambeeyay ee ay ciidamada xoogga iyo dadka shacabka ah ku doonayaan inay argagixisada kaga saaraan gobolka.

Warbaahinta Qaranka oo ku sugan halka uu ka socda abaabulka ayaa shaacisay gaadiid dagaal iyo ciidan aad u fara badan, kuwaas oo doonaya inay saacadha soo socda ku ruqaansadaan jiidaha ay argagixisadu kaga sugan tahay gobolka.

Dadka shacabka ayaa sidoo kale wada abaabul ka dhan ah arxan-laawayaasha Al-shabaab, iyagoo ballan-qaaday inay Ciidanka xoogga la garab taagan yihiin cudud iyo taageero kala duwan.

Diyaar-garowga Ciidanka xoogga iyo dadka ku dhaqan degaannada Shabeellada dhexe ayaa imanaya xilli uu argagixisadu jab xooggan kasoo gaaray dagaalka ka socda gobolka Hiiraan.