Ciidanka Xoogga ayaa dilay 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

21 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadleey ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa jabiyay maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta ee soo weeraray Saldhigga ciidamada deegaanka Xawaadleey, waxaana halkaas ciidamada kaga shahiiday 5 Askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka sida uu Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay Taliyaha CXD Gen Odawaa Yuusuf Raage.

Ciidamada ayaa wali sii baacsanaya firxadka Khawaarijta Al-shabaab ee saakay soo weeraray deegaanka Xawaadleey.

Ciidamada ayaa 24 saacadood ee la soo dhaafay Khawaarijta ka xorreeyay Saddex degmo oo istiraatiiji ah iyagoo aan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab.

Khawaariijta ayaa looga bartay marka ay wajahaan xaaladdaha adag ee dagaalka in ay sameeyaan weeraro naflacaari ah kuwaas oo qaarkood loo adeegsado naftood haligayaal la soo qalday.