Ciidanka Xoogga ayaa Deegaanka Goof-guduud ku dilay 20 xubnood oo ka tirsanaa khawaariijta

Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal ka dhacay deegaanka Goof-guduud ee gobolka Baay ku dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda khawaariijta,sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey wasiirka cadaaladda ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Xasan Cabdiqaadir oo ku sugan deegaanka.

Hawlgalkan ayaa sida la xaqiijiyey lagu dilay laba Horjoogeyaal sar sare oo ka tirsanaa Khawaarijta,horjoogayaasha la dilay ayaa waxa ka mid ahaa horjoogihii madaxa sirdoonka u qaabilsanaa kooxda khawaariijta goboladda koonfurta iyo bartahama Soomaaliya,sidoo kale waxa ka mid ahaa madaxii hawlgelinta goboladda Baay iyo Bakool.

Wasiirka Cadaaladda Koonfur galbeed ayaa sidoo kale warbaahinta qaranka u xaqiijiyey in khawaariijta laga gubay Baabuur ciidan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka mudane Xasan sheekh Maxamuud ayaa shalay ku dhawaaqay in hawlgalka dib u xorraynta dalka wejigiisa labaad ka bilaabi doono deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed.