Ciidanka Xogga oo la wareegay deegaanka Eel-Boon 48 KM Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool

Ururka 260aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyed ayaa Khawaarijta kala wareegay Gacan ku haynta deegaanka Eel-Boon Oo Qiyaasti 48 KM dhanka Galbeedka kaga began degmada Waajid ee Gobolka Bokool.

Howlgalka xoreynta Eel – Boon ayaa Khawaarijta looga Furtay hub iyo Gawaari ay u isticmaalayeen dhibaateynta shacabka oo ay uga carareen deegaankaas.

Dhamme Onkod Macalin Aadan Taliyaha Ururka 260aad Ee Guutada 9aad Qeybta 60aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in deegaankaan laga ceyriyey Khawaarijta.