Marka-(Wargeyska Dalka)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa inta u dhaxeysa deegaanada Lambar Konton iyo Muuri ee gobolka Shabeellaha hoose ka soo saaray miino ay Khawaarijtu u diyaariyeen inay ku xasuuqaan shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddadaas.
Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Dhamme Cali Mahdi Cabdi Beerdiide, ayaa xaqiijiyay in iyada oo aan wax dhibaato ah ay gaarin ay ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartaas ay Khawaarijta dhiig-miiratada ah ugu talagaleen inay ku gumaadaan shacabkeenna, kadib howlgal miino-baaris ah oo ay fuliyeen.
Waddada ay miinadaas ku fashiliyeen geesiyaasha qarankeenna ee Xoogga Dalka ayaa waxaa inta badan isticmaala gaadiidka isaga kala goosha gobollada dalka iyo caasimadda Muqdisho.