Ciidanka XDS iyo AFRICOM oo duqayn ka fuliyay waqooyi-bari Kismaayo

Kismaayo-(Wargeyska Dalka)- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada AFRICOM ayaa howlgal cirka ah ka fuliyay deegaan hoos yimaada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, dowlad-goboleedka Jubbaland.

Howlgalka ayaa lala beegsaday fariisimo ay Khawaarijtu ku lahayd deegaan 40 km waqooyi-bari ka xigta magaalada Kismaayo.

Weli lama hayo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan duqaynta, maadaama ay weli socoto qiimeyn lagu sameynayo khasaarihii lagu gaarsiiyay cadowga.