Ciidanka Suuriya oo dilay kooxo daacad u ah Bashaar oo ku sugnaa Latakiya iyo Tartous

wakaaladda wararka ee Stept ee fadhigeedu yahay dalka Suuriya ayaa ku warrantay in ciidammada dowladda ay dileen ku dhawaad ​​70 dagaalyahanno taageersan taliskii hore, halka la qabtay in ka badan 25 kale .

Iska horimaadka ayaa yimid xilli ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo howlgal ka waday Latakiya iyo Tartous lagu soo qaaday weerarro gaadmo ah oo ay fulliyeen kooxo daacad u ah madaxweynihii hore ee Bishaar.

Afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Suuriya, Colonel Hassan Abdul Ghani, ayaa digniin u diray kooxaha daacada u ah Bashaar Al-Asad ee ka dagaalamaya Latakiya.

Bandow ayaa lagu soo rogay magaalooyinka Latakia iyo Tartous, ,waxaana halkaasi ku xoog badan Calawiyiinta tirade yar  ee uu ka soo jeedo Bishaar Al-Asad.