Muqdisho(Wargeyska Dalka)–Ciidanka Qaybta 4-aad ee AUSSOM ayaa Shalay roondo Amni ah ka fuliyay waddada muhiimka ah ee Beledweyne ku xiriirisa Deegaanka Ceelgal ee Waqooyiga Beledweyne.
Kooxda ayaa baaris Miino iyo Walxaha Qarxa ka fulisay dhabbaha ka hor inta aysan kolonyada gudbin iyadoo Ciidanka Lugta ay xaqiijiyeen Amniga Waddada iyo Dhulka Sare. Hawlgalka ayaa xaqiijiyay in Shacabka, Badeecooyinka iyo Ciidanka Amniga ay si Nabdoon u Adeegsadaan Dhabbaha.
AUSSOM waxaa ka go’an xaqiijinta Waddooyinka muhiimka ah iyo sare u qaadista Nabadda, Amniga & Xasiloonida Soomaaliya.

