Ciidanka Qaranka oo soo bandhigay awood ciidan oo kobcaysa

Ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo bandhigay awooddooda ciidan oo samaysay horumar iyo koboc weyn sanadihii dambe, taas oo ku timid tababar joogto ah iyo qalabayn casri ah oo lagu sameeyey.

Dhammaan nuucyada ciidanka sida Militariga, Boliiska iyo Asluubta intaba waxaa ka muuqday awood iyo xirfad sarreysa, iyagoo soo bandhigay cutubyo si gooni u tababaran kuna qalabaysan Teknolojiyadda casriga ah ee maanta ciidamadu isticmaalaan.

Ciidanka cirka ayaa iyaguna ka qaybgalay dabaaldegga 66-sano guurada xorriyadda dalka? iyagoo ku qalabaysan diyaarado dagaal oo kala duwan.

Dhammaan arrimahaasi waxa ay muujinayaan sida uu u soo kabanayo dalkeenna.