Ciidamada Qaranka ee ka howlgala Gobolka Hiiraan ayaa ku baxay daminta colaad beeleedyo ka soo cusboonaaday deegaanno hoos taga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamadaan oo ka socday xoogga dalka iyo kuwa nabad-sugidda qaranka waxa ay kala dhexgaleen beello walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanada miirdacay iyo miir makaleey oo dhaca dhulka miyiga ah ee dhanka woqooyi galbeed.
Saraakiisha Ciidamada qaranka oo kaashanaya maamulka Degmada Matabaan ayaa hataan dadaal ugu jira sidii loo xakameyn lahaa dagaal mar kale ka dhaca halkaasi.
Saraakiil ay kamid yihiin dhamme Cabdi Cismaan Waasuge ,Cabdi Muumin iyo Guddoomiyaha matabaan Bashiir C/raxmaan Sheekeeye oo la hadlay dhinacyadii ku daggaalamay tuullooyin hoostaga Matabaan ayaa codsaday in la qaato baaqa ciidanka oo loo soo jeesto nabadda.