Ciidanka Qaranka oo Basra ku dilay sagaal dhagar-qabe

Ciidanka nabad sugidda iyo sir-doonka Qaranka ee NISA iyo Ciidanka Haram-cad ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Tuulooyin hoos-taga deegaanka Basra, halkaasi oo ay ku dileen 9 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada.

Saraakiisha Ciidamada ee hoggaamineysa howlgallada ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay inay sidoo kale ka furteen Al-shabaab saanad ciidan isla markaana ay burburiyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Qeybaha kala duwan Ciidamada Qaranka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka waday degaanka Basra iyo Tuulooyinka ka ag dhow howlgallo lagu ciribtirayo haraadiga nabad-diidka Al-shabaab.