Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska XDS Gorgor iyo Qeybta 21-aad iyo ciidamadda deegaanka, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaano ay kamid yihiin Tuulo Xaaji iyo Tuulo Cadad ee hoostaga degmada Xarar-dheere, gobolka Mudug.
Howlgalkan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa looga gol lahaa ciribtirka maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo la helay xogtooda, xilli ay maleegayeen dhagaro argagixiso. Ciidamadda ayaa si taxaddar leh uga hortagay kooxaha nabad-diidka ah, iyagoo ku beegsaday goobo ay isku uruursanayeen.
Wararka laga helaayo magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa tibaaxaya in Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ay xaqiijiyeen in cadowga la gaarsiiyay jab xooggan, isla markaana la burburiyay saldhigyo ay ku dhuumaaleysanayeen, iyadoo Howlgalka inta uu socday ay Khawawrijta laga dilay tiro maleeshiyaad ah.