Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa saaka howlgal qorsheysan oo laga fuliyey tuulada neebsooy ee duleedka Magaalada Baydhabo ku dilay laba maleeshiyaad ah oo uu ku jiray nin horjooge ah.
Howlgalkani oo ka dhacay meel 40 km u jirta Beydhabo waxaa lagu dilay horjooge Al-Shabaab uqaabilsanaa weerarada,kaas oo magaciisa lagu sheegay Cali nuur iimaan (tufow),halka sidoo kale la dilay Awal Macalin Cabdulahi oo ahaa istaaf ama ilaali.
Teliyaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka konfur galbeed oo howlgalka hogaminayey ayaa sheegay inay howlgalada ay sii wadi doonaan ilaa inta degaannada konfur galbeed laga saarayo kooxda Argigixisada Al-Shabaab .