Ciidanka Kumaandooska ee Gorgor, gaar ahaan ururka 7-aad, ayaa deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose jab xooggan ku gaarsiiyay Argagixisada nabad-diidka ah, kadib markii ay isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan fariisimaha ciidanka xoogga ee Bariire.
Ciidanka xoogga ayaa khaarijiyay 29 dhagar qabe oo katirsan Argagixisada, kadib dagaal kooban oo geesiyaasha qaranka ay uga hortageen damacoodii ahaa inay soo weeraraan deegaanka Bariire, lana soo afjaray gebi ahaanba dhagar-qabayaashii la soo khalday.
