Ciidanka Jubbaland iyo ATMIS oo burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta

Ciidanka hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa howlgalka ATMIS ayaa saacadihii la soo dhaafay waxay howlgallo ka dhan ah kooxda khawaarijta  ka sameeyeen degaanno hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxay Saraakiisha hoggaamineysay  sheegeen in bartilmaamedkoodu ahaa inay gacta mariyaan goobo lagu sheegay inay ku sugan yihiin xubno katirsan Khawaarijta.

Dowladda Federaalka, Ciidamada maamul goboleedyada, dadka deegaanka iyo saaxiibbada beesha caalamka ayaa in dhowaalaba waday dagaallo xooggan oo ka dhan ah Khawaarijta iyadoo laga gaaray guulo wax ku ool ah.