Ciidanka Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan oo u dabaal degay maalinta Xoriyadda jabuuti

Cutubyadda ka tirsan ciidanka hawgalka midowga afrika ee dalka jabuuti ayaa qabsaday munaasab ay ugu dabaal degayaan xuska munaasabada 27 june oo ah maalintaa xoriyadda dalka jabuuti ka qaatay gumaystihii faransiiska.

Munaasibadan oo ka qayb galeen saraakiisha ciiidamda dalka jabuuti ee Amisom, saraakiil ka tirsan ciidamda xoogga dalka Soomaaliyeed, maamulka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmadda Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Goobta Munaasabada ka dhacaysa ayaa waxaa gaado ka ciyaar ku soo bandhigay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amisom ee ka socda dalka jabuuti.

Shacabka jabuuti ayaa xoriyadooda ka qaatay gumaystihii faransiiska 27june sanadii 1977 iyagoo tan iyo wixii maalintaa ka dambeeyey sanad walba ku xuso munaasabado waaweyn maalinta xoriyadoodda.