Ciidanka Israel oo weerar ku dilay10 ruux oo mucaawino doon ahaa

Ugu yaraan 10 falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan ilaalada baabuurta gargaarka ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday dad mucaawino doon ah oo ku sugnaa deegaanka Khan Younis.

Dadka la dilay ayaa la sheegay in ay kamid aheyd haweeneey la dhalatay madaxa Ururka Xamas Ismaaciil Haniyah,taasoo lagu dilay weerar ka dhacay xerada al-Shati.

“xaalad macaluul ah ayaa weli ka jirta Gaza,iyadoo in ka badan 495,000 Falastiiniyiin ah ay soo food saartay cunto yari iyo masiibo,sida uu ku waramay Madaxa Hey’adda UNRWA ee dadka Falastiin u qaabilsan gargaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.

Warar ayaa sheegaya in Gaza xilligaan ay tahay deegaan la xaalufiyey,carruurta Falastiinna waxay u dhimanayaan nafaqo-xumo iyo fuuqbax,iyadoo cunto iyo biyo nadiif ah laga sugayo gawaarida hey’adaha samafalka ee tagaya halkaasi.

Dhinaca kale,r/wasaaraha Israel ayaa sheegay in dagaalku sii socon doono xitaa haddii heshiis xabad joojin ah lala gaaro Xamaas.

Kooxda falastiiniyiinta ayaa sheegay in hadaladiisa ay muujinayaan in uu diiday hindise xabbad-joojin ah oo uu soo bandhigay madaxweyne Biden.

Ugu yaraan 37,626 qof ayaa la dilay, 86098 kalena waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.